Thursday, June 26, 2025

Ra’iisal wasaare Kheyre oo gaaray Garoonka Balli-doogle xilli uu Dagaal culus ka socdo Gobolka…

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa goor dhoweyd gaaray Garoonka Balli-doogle ee Gobolka Shabeelada Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in xilliga Ra’iisal wasaaraha uu tegay Balli-doogle uu dagaal xoog leh ka socdo degaanada Muuri iyo Beladul Amiin ee Gobolka Shabeelada Hoose.

Socdaalka Ra’iisal wasaaraha ayaa kusaabsan kulamo uu la qaadanayo saraakiisha iyo ciidamada dowladda ee ku sugan saldhigga Balli-doogle oo ah goob lagu tababarro ciidamada dowladda oo ay ka howlgalaan saraakiil Mareykan ah.

Ciidamo gaara oo qeyb ka ah qorshe lagu sugayo ammaanka Muqdisho ayaa la sheegay inay ku sugan yihiin Balli-doogle, kuwaasoo Ra’iisal wasaaruhu kalamo la yeelan doono.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON