Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Soomaaluya xasan Cali Kheyre ayaa degdeg uga daba yimid oo hakiyey mashruux dib loogu dhisayo Magaaloyinka Muqdisho, Garowe, Kismayo iyo Baydhaba oo ay maanta kala saxiixdeen Wasiirka Maaliyadda iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Dhowr saacadood kadib markii la shaaciyey heshiiska ayaa war kooban oo kasoo baxay xafiiska Ra’iisal wasaraha Waxaa lag sheegay in dib loo egayo mashruuca horumarinta dowladaha hoose ee magaaalooyinka xarumaha u ah qaar kamid ah dowlad-goboleedyada, iyadoo lagu soo dari doono, lagana qeyb geli doono dhammaan maamul Goboleedyada.
Arrintan ayaa timid markii baraha bulshada si weyn loogu faaqiday sababta mashruucan looga reebay magaalooyinka Dhuusamreeb iy Jowhar, waxaana fasiraad kala duwan laga bixiyey arrintan oo u muuqata inaysan ka firisan.
Lacag gaareysa 112 milyan oo Doolar oo uu bixiyey Bankiga Adduunka ayaa magaalo kasta loo qoondeeyay 28 Milyan oo doolar, waxaana wasiirka Maaliyadda uu sheegay in wejiga labaad lagu dari doono magaalooyinka Jowhar iyo Dhuusamareeb, laakiin waxaa dib loola noqday heshiskani markii Ra’iisal wasaaraha uu soo farageliyey.