Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa ka codsatay in Bulshada Soomaaliyeed ay ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka argagixisada Al shabaab oo aan loo kala harin.
Isagoo ka hadlayay Munaasabad lagu taageerayay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhalinyada iyo Ciyaaraha ayuu si kulul u weeraray kooxda Alshabab, wuxuuna haweenka ka codsaday inay ka qeyb galaan dagaalka lagu cirib tirayo.
“Waa inaadan dhexdhexaad ka noqon Shabaab iyo Dowlad diid waxaan badbaadineynaa Caruurtiina, naftiina iyo Qaranka; waa inaad barbar istaagtaan Dowladda Madaxweyne Farmaajo meelna aad uga soo jeesataan Shabaab iyo Dowlad diid ” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Kheyrre.

Wuxuu intaas ku daray in aan loo kala harin dagaalka lagu qaadayo Alshabaab “Waxaan diyaar u nahay in aan garab istaagno ciidanka,waxaan ka daba qaadaynaa biyaha iyo caanaha, Shabaab uma dulqaadan doono dhibaatada uu shacabka ku haayo, waxaan doonaynaa in dalka laga xoreeyo cadowga” oo haweenka ku amaanay kaalinta ay uga jiraan qaranimada.
“Haweenka Soomaaliyeed waa bad baadiyaasha Qaranka,waa laf-dhabarkii umadda Soomaaliyeed,iskama dhahaayo eeTaariikhda ayaa qoraysa,marka iyadoo taasi ay jirto ma waxaan aqbalaynaa in shabaab dadku ay gumaadaan,Shabaab wuxuu doonayaa in dadka la xasuuqo,wuxuu ka soo horjeeda jiritaanka Umdda Soomaaliyeed,wuxuuna wataa Shisheeye,sidoo kale waxaan aqbali doonin in Dowladnimada laga leexiyo dariiqeeda,Dowladdiid iyo Shabaab waa isku mid”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.