Wasiirka Arimaha Dibada ee Dawladda Federaalka Axmed Ciise Cawad ayaa ka hadlay arrintii maanta ka dhacday xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in la xaliyey markii uu faragelin ku sameeyay Ra’iisal Wasaare Kheyre.
Wasiir Cawad oo ku sugan magaalada Garowe ayaa sheegay in ciidamada galay Wasaaradda ay wateen Warqad Maxkamadeed oo ay ku sheegeen inay ku doonayaan inay ku soo xiraan wasiir kuxigeenka Arrimaha dibadda Mukhtaar Mahad Daa’uud.
Wuxuu intaas ku daray wasiirka in arrinta uu markii dambe soo faragaliyay arinta Ra’iisal wasaare Kheyre isla markaana dib loo celiyay ciidankii wasaarada yimid, iyadoo wasiir ku xigeenku uu shaqadiisa dib ugu laabtay si caadi ah.
Arrinta Xariga Wasiir ku xigeenka ayaa dib loo dhigay iyadoo lagu heysto sida la sheegay arrimo musuq ah oo lagu soo eedeeyay.