Wednesday, June 25, 2025

Ra’iisal Wasaare Kheyre oo ka baaqsaday Dhagax-dhigga Mashruuc looga digay Socdaalkiisa Puntland

Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo booqasho ku jooga degaanada Puntland ayaa ka baaqdsaday qorshe uu ku dhagax dhigi lahaa dekadda degmada Garacad ee Gobolka Mudug.

Maamulka Puntland ayaa qorsheeyay in goobaha uu booqan doono Ra’iisal wasaare Kheyre ay ka mid noqoto degaanka xeebta Garacad oo Puntland ay in muddo ah raadineysay inay ka dhisto dekadda, laakiin maamulka iyo dadka Galmudug ay u arkaan mid  looga soo horjeedo dadaalka ay ugu jiraan dhismaha dekadda Hobyo.

Warar laga helayo magaalada Garowe ayaa sheegaya in Ra’iisal Wasaare Kheyre iyo madaxweynaha Puntland ay ka wadahadleen arrinta dhagax dhigga Dekadda Garacad oo ka mid ahayd goobaha loo qorsheeyay inu booqdo Ra’iisal wasaaraha, laakiin la isku afgartay in laga reebo socdaalka, kadib culeysyo siyaasadeed oo la sheegay inay ka yimaadeen siyaasiyiinta iyo xildhibaannada ka soo jeeda Galmudug.

Diyaargarow soo dhoweynta Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo dhagax dhigga Dekeda Garacad ayaa la sheegay inay ka socotay degaanka Garacad, basle waxaa hadda tegi doona  madaxweynaha Puntalnd iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya.

Maamulka Puntland ayaa muddo soo waday qorshaha dhismaha dekadda Garacad oo loo heysto in looga soo horjeedo dekadda Hobyo ee Galmudug ololaha ugu jirto dhismaheeda, waxaana sida dekadda Hobyo dhowr jeer halkaasi la geeyay ganacsato ajnabi ah oo sheegay inay dib u dhisayaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON