Thursday, June 26, 2025

Ra’iisal Wasaare Kheyre oo kharashka Waxbarashada Jaamacadda ka bixinaya 100 Arday

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ku dhaqaaqay tallaabo ku dayasho mudan isagoo ballanqaaday inuu bixiyo kharashka waxbarashada arday gaareysa 100.

Arrintan ayaa uu Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ku kafaala qaaday 100-ka arday oo ku sugan magaaladda Baydhabo uu ka bixin doono waxbarasho Jaamacadeed markii ay ka baxeen Dugsiyada Sare.

Xildhibaan Idiris Cabdi Dhakhtar oo ka tirsan golaha shacabka Federaalka ayaa shir jaraa’id  ku qabtay magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha uu balanqaaday inuu bixin doono kharashka ku baxaya waxbarashada Jaamacadeed ee ilaa 100 arday oo dhameystay waxbarashada dugsiyada sare ee magaaladda Baydhabo.

Sidoo kale, xildhibaanka waxa uu sheegay in booqasho uu ku tagay deegaano ka tirsan gobolka Baay uu ku soo arkay xaalado bani’aadanimo oo ka jira deegaano ka tirsan gobolkaasi.

Xildhibaan Idiris, ayaa tilmaamay in biyo la’aan daran ay ka jirto degmada Buurhakaba ee goboka Baay isla markaana kala hadleen xukuumadda Soomaaliya, isagoona xusey in dowladda u balan qaatay in ay biyo dhaamin loo sameyn doono dadka ku dhaqan deegaanada biyo la’aanta daran ka jirto.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON