Ra’iisul wasaaraha Xakuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali khayre ayaa lagu wadaa in maanta oo Arbaca ah uu khudbad ka jeediyo shirka Dhaqaalaha Aduunka ee magaalada Davos, Switzerland.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Swezerland Faadumo C/llaahi Insaani ayaa sheegtay in Maanta uu R/wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre khudbad ka hor jeedin doono madaxda ka qeyb galeysa Shirka dhaqaalaha Aduunka oo sanadkan lagu qabtay Magaalada Davos ee Dalka Swezerland.
Faadumo C/llaahi Insaani ayaa tilmaantay in R/wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre uu khudbad dhinacyo kala duwan taabanaysa kuna aadan baahiyada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya uu ka jeedin doono shirkaasi.
Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulamo kala duwan la yeeshay madaxda Shirka ka qeyb galaysa oo uu ka mid yahay wasirka arrimaha dibadda Qatar, madaxa Bankiga adduunka iyo madax kale.