Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa Maanta kormeeray Wasaaradaha Warfaafinta, kalluumaysiga, Haweenka, Ganacsiga, Beeraha iyo Xannaanada Xoolaha.
Ra’iisul wasaaraha oo kormeerka sameeyay Subaxnimadii hore ee Maanta ayaa tegay waaxyada ay ka kooban yihiin wasaaradahaasi, isaga oo shaqaalaha iyo agaasimayaasha ka xog-waraystay hannaanka shaqooyinku ay u socdaan.
Kormeerka Ra’iisal wasaaraha ayaa qeyb ka ah qorshe uu Ra’iisal wasaare Kheyre soo kordhiyey oo ah inuu joogto u tago xarumaha wasaaradaha xukuumadiisa, iyadoo uu wasaaradaha warfaafinta, Maaliyadda iyo Dekadda ay yihiin goobaha ugu badan ee uu booqdo.