Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kormeeray goobtii uu qaraxa weyn ka dhacay Khamiistii iyo Tiyaatarka Qaranka oo ay ka socdaan howlo dib u dhis ah.
Kormeerka Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa la sheegay inuu ahaa mid uu ugu kuurgaleyo xaaladda goobta laga ilaaliyo Madaxtooyada iyo howsha is-xilqaan ee iyo siday u ka socda Tiyaatarka Qaranka oo lagu dhisayo mashruuca is-xilqaan.
Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure ayaa sheegay iney aad ugu faraxsan yihiin inuu soo booqdo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya xilli ay ku guda jiraan howsha is-xilqaan ee dib loogu dayactirayo Golaha Murtida iyo Madadaalada Qaranka,islamarkaana uu Ra’iisal wasaaraha qeyb ka noqdo barnaamijka is-xilqaan ee maanta ka socoto xarunta Tiyaatarka Qaranka.