Wednesday, June 25, 2025

Ra’iisal Wasaare Kheyre oo kulan degdeg ah ugu yeeray AMISOM & Qorshe dagaal lagu qaadayo Alshabab..

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan degdeg ah isugu yeeray Taliska Howl-galka AMISOM oo dawladaha Soomaaliya ka taageera amniga iyo la dagaalanka Argagaxisada iyo wakiilada dalalka arrimaha Amniga ka taageera Soomaaliya.

Sida ay baahisay warbaahinta dowladda kulanka degdegga ahaa ayaa aad loogu falanqeeyay taageeradda Qorshe la sheegay inuu diyaariyey taliska ciidanka xoogga Dalka oo la doonayo in meleeshiyaadka argagaxisada ah looga saaro degaanadda ka mida dalka.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Safiirrada dalalka Maraykanka, Ingiriiska, Midowga Afrika iyo safiir ku-xigeenka Midwoga Yurub u jooga Soomaaliya oo uu wehliyo Taliyaha Howlgalka AMISOM, waxaana kulanka looga rrinsanahay qorshaha kooxda Alshabaab looga saaryo dalka.

Shirkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo ciidamada milateriga dowladda Federaalka ay qaarkood ka cabanayaan mushaar la’aan, kana soo baxeen fariisimahoodii, iyadoo aan la ogeyn sida ay isu qaban karto howlgal dagaal oo Alshabaab lagu qaado iyo ciidamada gadoodsan ee aan weli xal loo helin.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON