Tuesday, June 24, 2025

Ra’iisal Wasaare Kheyre oo kulan Gaara la yeeshay Hay’adaha Amniga & Dowladda Somalia ka taageera Amniga

Ra’iisal Wasaare Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa kulan gaara la yeeshay Hay’adaha Amniga dalka iyo Wakiilo ka socota dowlahada iyo hay’adaha caalamiga ee dowladda Somalia ka taageera dhinaca amniga.

Shirka oo looga hadlay dardargelinta qorshaha howlgallada ka socda qeybo ka mida dalka ee ka dhanka ah Alshabaab, iyadoo algu soo dhoweeyay howl alladii ay wadaan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo la wareegay deegaannada hoos taga gobalka Shabeellaha Hoose ee Sabiid, Caanoole iyo Bariirre.

Shirka Amniga ee dhex maray hay’adaha amniga dalka iyo dhinacyada Soomaaliya ka taageera amniga ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay gargaaridda dadka ku nool deegaannada Shabaabka laga xoreeyay iyo in deegaannada la gaarsiiyo adeegyada aasaasiga u ah nolosha bulshada.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay qorshe ciidamo booliis ah lagu gaynayo deegannada ciidanka xoogga dalku kala wareegeen Alshabaab.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON