Monday, July 14, 2025

Ra’iisal wasaare Kheyre oo kulan la yeeshay wafdiga Ra’iisal wasaare ku xigeenka Turkiga [Sawirro]

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Eng. Mahdi Axmed Guuleed oo weheliyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad Cumar

iyo Mas’uuliyiin kale ayaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Jamhuuriyadda an walaalaha nahay ee Turkiga Mudane Veysi Kaynak.

 Labada Ra’iisul Wasaare ku xigeen ayaa wadajir u booqday xarunta Bisha Cas ee Turkigu ku leedahay Muqdisho, halkaas oo Maamulka Gobolka Banaadir uu ku wareejiyey Gaadiid iyo agab kale oo loogu talagalay in kor loogu qaado Bilicda Caasimadda Muqdisho.

 

Mudane Veysi Keynak ayaa sidoo kale kulan gaar ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, waxana ay isla soo qaadeen xoojinta xiriirka labada dal iyo taageerada ay mar walba la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan abaaraha ka jira dalka iyo sidii ay gacan mugleh uga geysan lahaayeen.

SAWIRRO

Dhammaad

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON