Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Magaalada Washington, dalka Mareykanka uga qeyb galay dood uu soo qabanqaabiyey Bankiga Adduunka oo looga hadlay Maareynta khataraha si nabad iyo horumarin loo gaaro.
Dooda oo magaalada Washington ka dhacay ayaa Ra’iisal wasaare Kheye uu ka jediyay khudbad ku sabsan xaaladda Soomaaliya iyo sida wax looga bedeli karo, isagoo sheegay in saaxiibada Soomaaliya laga doonayo inay Soomaaliya ka caawiyaan sidii maalgelin dhalin karta fursado horumarineed.
Ra’iisal wasaare Kheyre wuxuu ka hadlay xaaladda abaarta dalka iyo sida looga hortegi karo, wuxuuna sheegay in si looga hortago dad badan oo ku baxa abaaraha iyo dhibaatooyinka ay dadku sameeyaan inay Soomaaliya raadineyso maalgelin waqti dheer qorshe cusub oo horumarineed.