Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u dhooofay dalka Qatar, iyadoo ay wehliyaan xubno ka tirsan xukuumadda.
Wararka ayaa sheegay in ra’iisal Wasaare Kheyre lagu casuumay Shir sanadeed ay qabanqaabiso dowladda Qatar ee Doha Forum, iyadoo ay noqoneyso sanadkii labaad ee Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya uu ka qeybgalo shirkaasi.
Waxaa la filayaa inta uu ku sugan yahay dalka Qatar inuu kulamo la yeesho madaxda dalkaasi oo xiriir wanaagsan la leh dowladda Soomaaliya.
