Friday, November 15, 2019
More

    Ra’iisal Wasaare Kheyre oo markii ugu horeysay maanta tegaya Gobolka Bakool [Sawirro]

    Warraka laga helayo Gobolka Bakool ayaa sheegaya inay halkaasi ka socoto qabanqaabada soo dhoweynta Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Somaaliya oo markii ugu horeysay tegaya Gobolkaasi.

    Kheyre ayaa maalmihii ugu danbeeyay ku sugnaa magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ah ee maamulka K/Galbeed, waxaana maanta uu ku sii jeedaa magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool, iyadoo qabanqaaabo weyn ay halkaasi ka socoto, waxaana shalay gaaray ciidamo fara badan oo sugaya amniga Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.

    Ad

    Dadweyne kala duwan oo ka kala yimid Xaafadaha degmada xudur ayaa lagu arkayaa wadooyinka degmadaas, iyaga oo wata Calanka Soomaaliya iyo kan Koonfur Galbeed, iyaga oo u diyaar garoobaya soo dhaweynta Ra’iisul Wasaaraha.

    Magaalada Xudur ayaa waxaa isugu soo baxay dadweyne fara badan oo loo diyaariyey soo dhoweynta Ra’iisal wasaaraha oo qeyb ka mida wafdigiisa ay shalay gaartay Xudur, iyadoo la sheegay inuu dhagax-dhigi doono  mashaariic laga fulinayo Gobolka Bakool.


    Warar Xul ah

    NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

    130,925FansLike
    1,341FollowersFollow
    3,542FollowersFollow
    130,925FansLike
    1,341FollowersFollow
    3,542FollowersFollow

    WARARKA UGU SHIDAN

    error: Content is protected !!