Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa amray in xilli hore la bixiyo mushaarka shaqaalaha dowladda si ciidul fitriga ka hor ay u helaan.
Wasiiro ka tirsan xukuumadda Federaalka iyo Xisaabiyaha guud ee Qaranka ayaa maanta kormeer howleed ku tagay Bankiga Dhexe ee Muqdisho si ay uga qeyb qaataan dedejinta mushaarka shaqaalaha ee bisha May ee Ra’iisul Wasaaruhu amray.
Arrintan ayay shaqaalaha dowladda aad ugu farxeen iyadoo lagu jiro maalmihii ugu danbeeyay Bisha Ramadaan, isla markaana ay oo soo dhowdahay munaasabadda Ciidul-fitriga.
Wasiiru Dowlaha Maaliyadda XFS mudane Maxamuud Xayir Ibraahim, Wasiirka Warfaafinta Eng. Abdiraxman Cumar Osmaan Yarisow, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Axmed Yusuf Muumin Siraaji ayaa kulan la qaatay Gudoomiyaha Bangiga Dhexe Bashiir Ciise iyo ku xigeenkiisa, waxaan ay ka waraysteen halka ay marayso dedejinta bixinta mushaaraadka shaqaalaha.
Wasiirada oo Kulan kaddib la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in bixinta si joogta ah mushaaraadka shaqaalaha iyo ciidamada ay qayb ka tahay balanqaadkii dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo.