Thursday, June 26, 2025

Ra’iisal Wasaare Kheyre oo safarkiisii ugu horeeyay ugu dhoofay Dalka Itoobiya

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda  Soomaaliya ayaa maanta ka dhoofay Garoonka  Diyaaradaha Muqdisho isagoo ku sii jeeda magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya.

Xasan Cali Kheyre ayaa ka qeyb galaya Cadde, waxaana uu ka qeyb galaya Shir madaxeedka IGAD ee aan caadiga ahayn oo isla maanta ka dhacaya magaalada Addis Ababa.

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka baaqsaday kulankaasi oo lagu casuumay, wuxuuna udiray Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilli uu wajahayo loolanka ka dhex socda dalalka Khaliijka.

Shir Madaxeedka IGAD ayaa looga hadlayaa xal u helidda xaaladda ka taagan dalka Koonfurta Suudaan, waxaana madaxda IGAD isugu yeeray  Ra’iisal wasaarha Itoobiya.

Waa safarkii labaad ee uu dibadda ugu baxo Ra’iisal wasaare Kheyre, isagoo hore u tegay dalka Qatar.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON