Thursday, March 28, 2024

Ra’iisal wasaare Kheyre oo shaaaciyey nuu dalka imaanayo Qalab Caafimaad oo dowladdu dibadda ka dalbatay

 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ka hadlay dadaalka dowladda ku xakameynayo cudurka COVID-19 ee dalka ku faafaya.

Isagoo ka hadlayey TV-ga Dowladda ayuu caddeeyay in madaxda dowladda, dowlad gobaleedyada, Culimada, dhakhatiirta, haweenka, dhallinyarada, hoggaanka bulshada rayidka ah, ganacsatada iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed ay wadajir ay uga wada shaqeynayaan sidii ummad ahaan looga guuleysan lahaa Cudurkan.

“Dhammaan Hay’addaha Caalamka oo aan la xariirnay waxaan ku war gelinay in hawl kasta oo kale dhinac la dhigo, awooddana, laysugu wada geeyo la tacaalidda masiibadan, waana ku boggaadinayaa inay dhammaantood nala qaateen. Waxaa dalka soo gaari doona qalab caafimaad oo Dowladdu dibdda ka dalbatay, loona qaybinayo dowlad gobaleedyada oo dhan..” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Kheyre.

Ad

Wuxuu sheegay in dowladda ay Isbitaalka Martini ay u diyaarisay bukaannda COVID-19 oo lagu daweeyo, iyadoo ku diyaarisay qalabkii loo baahnaa in lagu daaweeyo bukaanada uu xanuunkani haleelay, isla markaana ay gabogabo marsiinaysa diyaarinta cisbitaalkii labaad oo loo qorsheeyay in lagula tacaalo bukaannada COVID-19.

Ra’iisal wasaare ayaa sheegay in xarunta xiriirka COVID-19 oo halbowle u ah helista xogta faraysa bahda caafimaadka samata bixinta bukaannada xaaladdodu daran tahay, talana u siiyaan kuwa talada u baahan, ayaa celcelis ahaan maalintii waxaa soo waca 5,000 muwaadin oo u baahan adeeg iyo talo caafimaad.

Ra’iisul Wasaaraha oo ganacsatada mar kale kula dardaarmay inaan sare loo qaadin beeca cunndada ayaa caddeeyay in dowladda guddi u saartay dabagalka iyo la socoshada qiimaha maciishadda, si loo xaqiijiyo in canshuur dhaafka iyo canshuur dhimista ay dowladdu sameysay looga faa’iiday shacabka Soomaliyeed.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON