Friday, June 27, 2025

Ra’iisal wasaare Kheyre oo Shir Nooc cusub ah ka furay Magaalada Muqdisho

Ra’iisal wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magaalada Muqdisho ka furay shir nooc cusub oo ku saabsan dardar gelinta howlaha xukuumadda.

Shirkan oo uu furay Ra’iisal wasaaraha ayaa loogu magac daray “DARDAR GELINTA WAXQABADKA XUKUUMADDA”, waxaana looga hadlayaa shaqada xukuumadda meelaha dhibaatooyinka iyo gaabiska ka jiraan.

Waxaa ka qeyb galaya qeybaha bulshada oo fekerkooda iyo dareenkooda ka jeedinaya shirka, waxaana goobta ka hadlay dad fara badan oo qaarkood suugaan ku soo bandhigay, waxaana dadkii ka hadlay ka mid ahaa nin ku hadlay Bajaajleyda Muqdisho oo soo bandhigay dhibaatada ay ku qabaan dowladda.

Shirka oo laba maalmood socon doona ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee madaxda dowladda ay ku dhageystaan dadweynaha iyo qeybaha bulshada.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON