Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa soo gabagabeeyay socdaalkiisii Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kadib markii uu la madax kala duwan.
Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa la kulmay Gudoomiyaha Guddiga Midawga Afrika, Moussa Faki Mahamat iyo Wasiirka Arrimaha dibadda Itoobiya Workneh Gebeyhu oo ay ka wada hadleen nabadda iyo xasilloonida guud ahaan gobolka gaar ahaan Soomaaliya.
Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa intii uusan ka dhoofin magaalada Addis Ababa Wuxuu la kulmay Gudoomiyaha Guddiga nabadda iyo amaanka ee Midawga Afrika, waxayna ka wadahadleen arrimaha amniga iyo qorshaha ay Ciidanka Soomaaliyeed ugala wareegayaan Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM guud ahaan amniga qaranka.