Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxyadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.
Ra’iisal wasaaraha ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inuu aad uga xun yahay inay jiraan kooxo doonaya daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed oo arxan-laaweyaal ah.
“Waxaan aad uga xumahay falalkan qaraxyada ah ee lagu dhibaateynayo shacabka Soomaaliyeed, waxaana ballan qaadayaa inaan xoogeena isugu geyn doono sidii aan gacan adag ugu qaban laheyn kooxahaan u ooman daadinta dhiiga shacacabka ah” ayuu yiri R.wasaaraha oo xusay in xukuumadiisu ay muhiimad gaar ah siin doonto sidii looga hortagi lahaa falalkan inay sii socdaan, lana xassiliyo dalka guud ahaan.
HOOS KA AKHRI QORAALKA