Thursday, June 26, 2025

Ra’iisal wasaare Kheyre oo War kasoo saaray Qarixii Muqdisho, kulan degdeg ahna isugu yeeray…

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Xasan Cali Kheyre ayaa war kasoo saaray qarixii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

“Ilaahay ha u naxariisto intii ku dhimatay qaraxii ka dhacay is-goyska Zobe, intii ku dhaawacantay Ilaahay hasiiyo caafimaad degdeg ah..” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Kheyre oo farriin ku soo diray.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa sheegay in falkan foosha xun uu tusaale u yahay qorshaha caddowga ee ah in la gumaado dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan. “Shacabka waxaan ka codsanayaa inay u gargaaraan walaalahooda dhibtu kasoo gaartay falkan Argagixisadu usoo maleegtay muwaadiniinta..” ayuu yiri Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya.

Dhinaca kale Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa kulan degdeg ah caawa la leh Taliyeyaasha iyo saraakiisha ammaanka iyo wasiirada ku shaqada leh dhinaca ammaanka, kasoo looga hadlayo qarixii maanta iyo tallaabada laga qaadayo, waxaana su’aalo adag horyaallaan taliyeyaasha ciidamada oo fasir laga sugayo wixii dhacay.

Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Eng. C/raxmaan Yariisow ayaa isna qaraxan ka hadlay isagoo sheegay in dowladda ay shaacin doonto baaritaan lagu hayo qaraxa iyo qasaaraha uu dhaliyay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON