Friday, April 19, 2024

Ra’iisal wasaare Kheyre oo War kasoo saaray Weerarka ka dhacay magaalada Kismaayo.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa war kasoo saaray weerarka lagu qaaday Hotelka Cascasey ee magaalada Kismaayo.

Kheyre oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa si weyn u cambaareeyay weerarka ay argagixisada Alshabaab ku qaadeen dadka aan waxba galabsan ee ku sugnaa hotelka Cascasey ee magaalada Kismaayo, sida ay shaacisay warbaahinta dowladda.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dhammaan ehelada iyo qoysaska ay ka baxeen dadkii maanta ku dhintay weerarka ka dhacay magaalada Kismaayo oo dad caan ah oo badan ay ku naf waayeen

Ad

Ra’iisul Wasaaraha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay garab istaagaan ciidadamada Qaranka ee ku howlan soo afjaridda maleeshiyada argagixisada ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON