Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta booqday Xerada 21aad ee ciidamada xoogga dalka ee magaalada Dhuusamareeb oo ku jiraan ciidamada Ahlu suna.
Ciidamadii Ahlu suna ayaa lagu wareejiyey dowladda Soomaaliya, iyadoo maanta la bilaabay hab-raacii ay uga mid noqon lahaayeen Ciidanka Qalabka sida ee Qaranka, waxaana magaaladaasi gaaray taliyaha ciidamada milateriga Somalia.
Ciidamadan ayaa la sheegay in la diiwaangelin doono si toos ahna ay uga mid noqon doonaan ciidamada milateriga ee Soomaaliya, iyadoo loo bilaabi doono xuquuqdooda, wuxuuna ra’iisal wasaare Kheyre u sheegay inay maanta laga bilaabo ka mid noqonayaan ciidamada Qaranka.
Ra’iisul Wasaaraha oo ay booqashadiisa ku wehliyeen madaxa fulinta Galmudug iyo taliyaasha ciidanka qalabka sida ayaa khudba u jeediyay ciidanka waxa uuna ku boorriyay in ay maraan hab-raaca oo ay is isdiiwaan geliyaan si ay u helaan xuquudooda iyo agabka ciidan ee ay u baahanyihiin.
Taliyaasha ciidanka qalabka sida oo guda galay dhaqan gelinta amarkii Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ee ahaa in la qarameeyo ciidanka Ahlusunna, laamaha ammaankana Dhuusamareeb laga howl geliyo ayaa qorshuhu yahay in sida ugu dhaqsaha badan ay uga guul gaaraan qaramaynta ciidanka









