Thursday, June 26, 2025

Ra’iisal Wasaare Kheyre: “Waxaan ahaa askari ka tirsan ciidamada Booliska, waardiye ayaana geli jiray..”

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa shaaciyay inuu hore uga tirsanaa ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Kormeer uu ku tegay xarunta saldhigga Booliska magaalada Muqdisho ayuu warbixin uga dhageystay taliyaha Booliska iyo kuwa qeybaha, waxaana ay ka hadleen xaaladda uu Boolisku ku shaqeeyo horumarka iyo caqabadaha jira.

“Aniga saldhiga Booliska Hodan ayaan ka tirsana, Marna waardiye ayaan ka geli jiray, waxaan tababar kusoo qaatay Xerada Ciidan ee ku taalla magaalada Baydhaba ee la yiraahdo Cali Salaamay” ayuu yiri Reysal wasaare Kheyre oo ka yaabiyay ciidamadii booliska.

Ra’iisal wasaaraha ayaa Booliska ku amaanay inay yihiin ciidamo agabkooda u tirakooban yihiin oo urursan, waxaana  uu sheegay inuusan arrintaas ku arkin ciidamada kale.

SAWIRRO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON