Wednesday, June 25, 2025

Ra’iisal wasaare ku xigeenka oo tartan la’aan ku guuleystay kursiga Baaralmaanka Beeshiisa

Ra’iisal wasaare ku xigeenka xukuumadda xilligeedu dhammaaday Maxamed Cumar Carte ayaa ku soo baxay xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Doorasho maanta ka dhacday magaalada Muqdisho oo ahayd tii ugu horeysay ee ay ku tartamaan musharixiinta beelaha Waqooyi ayaa Ra’iisal wasaare ku xigeenka uu ku guuleystay isagoo aan lala tartamin.

carteKursiga Sacad Muuse waxaa ku guuleystay Maxamed Cumar Carte Qaalib oo helay 47 cod, halka Musharaxii la tartamayay ee Axmed Ismaaciil Xuseen uu tanaasulay balse markii la codeeyay uu helay 4 cod.

Maxamed Cumar Carte ayaa u mahadceliyay ergooyinka doortay, waxaana uu ammaan u jeediyay howsha ay hayaan guddiga doorashooyinka iyo Ciidamada Amniga.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ayaa ku adkeystay in doorashada xubnaha ka soo jeeda Somaliland lagu qabanayo Xarunta Gaadiidka Booliska ee magaalada Muqdisho, wuxuuna  si kulul uga jawaabay hadalkii Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid ee ahaa in Xalane lagu qabto.

“Doorashada halkan ayaa lagu qabanayaa oo ah meel Soomaali joogto oo aysan Ajnabi joogin, waxaa aad ugu faraxsanahay sida Ciidamada Amniga howlaha amniga u sii adkeynayaan”ayuu yiri Ra’iisal wasaare ku xigeenka Maxamed Cumar Carte.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON