Thursday, August 7, 2025

Ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo socdaal lama filaan ah ku tegay Beledweyne

Ra’iisal wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cumar Carte ayaa socdaal lama filaan ah ku tegay magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Wafdiga Ra’iisal wasaare ku xigeenka waxaa garoonka ku soo dhoweeyay mas’uuliyiinta  gobolka Hiiraan iyo waxgaradlka Gobolka, waxaana la sheegay inuu kulamo la qaadan doono odayaasha iyo maamulka Gobolka.

carte

Xubnaha la socda Maxamed Cumar Carte waxaa ka mida wasiiru dowle ka tirsan xukuumadda iyo xildhibaano.

Ujeedada safarka ayaan la ogeyn waxaana la ogyahay in Ra’iisal wasaare ku xigeenka iyo beeshiisa ay ka horjeedaan doorashooyinka 2016 ayna qaadaceen qaabka loo qeybiyay xubnaha Aqalka sare.

Odayaasha Hiiraan iyo Guddoomiyaha Gobolkaasi ayaa si weyn uga hor yimid qaabka dowladda Soomaaliya u wado Doorashada iyo dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON