Wednesday, July 16, 2025

Ra’iisal wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya & wafdi la socda oo shir uga qeyb galaya Dalka India [Sawirro]

Ra’iisalwasaare Xigeenka Soomaaliya Muddane Mahdi Mohamed Guuleed iyo Wafdi uu hogaaminayo  iyo xubno ka tirsan golayaasha Baarlamaanka iyo  Wasiiradda ayaa gaaray magaaladda New Delhi ee dalka Hindiya.

Ujeedadda Socdaalka wafdiga  Ra’iisalwasaare Xigeenka Soomaaliya ayaa ah ka qayb galka shirka Caalamiga ah ee International Solar Alliance, oo maalinta berri ah furmaya, shirkaan ayaa waxaa ka qayb galaya Madaxweynayaasha 121 dal oo ka mid ah dalalka caalamka.

Mahdi Maxamed Guuleed Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Soomaaliya waxaa safarka ku wehliya wasiirkaBiyaha iyo Korontada xukuumadda Soomaaliya Saalim Caliyow Ibrow, iyadoo uu socdaalkiisa ku soo beegmayo xilli uu dalka ka maqan yahay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Hindiya Amb: Abyan Ladane iyo Masuuliyiin ka tirsan Dawladda Hindiya ayaa wefdiga Ra’iisal wasaaraha ku soo dhoweeyay magaalada New Delhi.

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON