Ra’iisul Wasaaraha Somalia Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeer ku tegay xarunt keydka raashinka ciidamada qalabka sida.
Ra’iisal wasaaraha oo uu weheliyo taliyaha ciidanka Xoogga Jen. Axmed Maxamed Jimcaale (Cirfiid) ayaa indho indheeyay goobaha ay ku jiraan noocyada kala duwan ee cuntooyinka loogu tala galay ciidamadda Qaranka ee dalka.
Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Jen. Axmed Cirfiid ayaa sheegay in raashinku uu yahay mid ku filan ciidamadda, balse waxuu madaxda Qaranka u soo jeediyay in si hoose ula socdaan xaaladda ciiddanka maadaama ay marwalba halis u galiyaan naftooda inay difaacaan dalkooda, sidoo kalena waxuu tilmaamay in maalinta beri ah ciidanka loo qaybin doono raashinkooda, iyadoo xarun walba la gaynayo inta ay xaq u heshay.
Ra’iisal Wasaare Khayre ayaa tilmaamay in ahmiyada koowaad la siiyo ciidanka, maadaama ay shaqada ugu muhiim san wadanka u hayaan, wuxuuna ku dardaarmay in laga fogaado hantida ciidanka Soomaaliyeed, isagoona hadalkiisa raaciyay in ay jiraan Guddi kormeer ah oo imaanaya xaruntan si loo ogaado in si caddaalad ku jirto loo qaybiyay raashinka.
“Waxaan bilownay la dagaalanka musuq maasuq qaran, qof walbana waxaan kula xisaab tamaynaa shaqada uu dowladda u hayo, tanina waxay ka mid tahay isla xisaabtanka ay wado dowladdu” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.
Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha Somalia Xasan Cali Khayre ayaa u mahad celiyay dhamaan ciidamadda dalka maadaama ay iskood u go’aan sadeen in ay difaacaan dhulkooda, iyagoo ku shaqeynaya xaaladd adag, lana dagaalamaan codowga shacabka Soomaaliyeed.