Monday, June 23, 2025

Ra’iisal wasaare Rooble oo bilaabay xil ka qaadista Agaasimeyaasha wasaaradaha iyo magacaabidda kuwo cusub

Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa bilaabay xil ka qaadista iyo mahacaabidda Wasaaradaha Xukuumadda Soomaaliya, isagoo hore u soo saaray wareegto uu wasiirada uga joojiyey inay xil ka qaadis ku sameeyaan agaasimeyaasha isagoo aan ogeyn.

Wareegto kasoo baxday Ra’iisal wasaaraha ayaa 24-kii bishan Disembar ayuu Maxamed Xuseen Rooble xilkii uga qaadaya Agaasimihii guud ee Wasaaradda Waxbarashada. Hidaha iyo Tacliinta Sare Axmed Xasan Yuusuf, isagoo xilkaasi u magacaabay Maxamed Caabi Xasan.

Wararka ayaa sheegaya in Ra’iisal wasaaraha uu qorsheeyay xil ka qaadista Agaasimeyaal dhowr ah xilligan kala guurka ah, iyadoo ay tahay xil ka qaadistii iyo magaabistii agaasime ee ugu horeysay oo uu ku dhaqaaqo Ra’iisal wasaare Rooble.

Ad

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON