Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa isbitaalka Erdogan (Digfeer) ee magaalada Muqdisho ku booqday dhaawacyada shaqaalaha iyo howlwadeennadii ku dhawacmay qaraxii is-miidaaminta ee maanta ka dhacay degaanka Lafoole ee duleedka Muqdisho.
Laba u dhashay dalka Turkiga oo ka mida shaqaalaha dhisaya Jidka ayaa ku dhintay halka ay ku dhawaacmeen 3 kale, waxaana sidooo kale ku dhintay 2 Soomaali ah iyo 11 kale, wuxuuna qasaaraha u badnaa shaqaalaha dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.
Ra’iisal wasaare Rooble ayaa warbixin ka dhageystay dhaqaatiirta isbitaalka Digfeer, iyadoo caafimaad loogu duceeyay dhaawacyada, kuwii ku dhintay tacsi loo diray ehelkoodii.
