Ra’iisal wasaare Rooble oo booqday Qabriga Amiirkii Geeriyooday ee Dalka Kuwait (Daawo)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ku usgan dalka Kuwait ayaa booqday Qabriga Amiirkii dalkaasi e dhowaan geeriyooday Sheekh Sabaax Al-Axmad.

Wuxuu kaloo Ra’iisal wasaaraha salaan tacsi ah ugu tegay Amiirka cusub ee dalka Kuweyt Sheekh Nawaaf Al-Axmed Al-jaabir Al-sabaax, isagoo gaarsiiyey tacsida Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan geeridii Alle ha u naxariistee Amiirka dalkaas Marxuum Sabaax Al-Axmed.

Labada Hoggaamiye ayaa iska xogwareystay mustaqbalka xiriirka labada dal iyo muhiimadda ay leedahay in la sii joogteeyo iskaashiga ku saleysan walaaltinimada iyo is-garab istaagga, iyada oo Ra’iisul Wasaare Rooble uu soo bandhigay sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay murugada geerida Amiir Sabaax ay ula qeybsanayaan walaalahooda dalka kuweyt.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON