Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa eedeyn u jeediyey shaqaalaha dowladda ee rayidka ah, isagoo sheegay inaysan intooda badna shaqeyn ama xafiisyada tagaan iyagoo xaragoonaya.
Ra’iisal wasaaraha oo ka hadlayey shir Dib loogu eegayo Qiimeynta iyo Dib u habeynta Qaab-dhismeedka Darajooyinka iyo Mushaarka Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda ayaa si cad u sheegay in loo baahan yaay di
“Xafiis kasta oo aad tagtid waxaa ku qoran la-taliyeyaal badan oo ka mushaar baan shaqaalaha caadiga ah.. waa in la tixgelinayaa shaqalaaheena khibrada leh.. Wasaaradaheena ay la-taliyeyaasha hay’adaha caalamiga ah ku qoreen xillgii ay doonaan ayey yimaadaan.. waa in lala xisaabtamaa.. Uma dulqaadan karno, kamana yeeleyno shaqaale waqti yar oo iyagoo barafuunkooda leh yimaado, saacado yarna ka taga iyadoo carfaya ka tegaya” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Rooble.
Xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayuu sheegay in ka shaqeeyaan shaqaale badan oo qaarkood maqan yihii, qaar kalane iska tageen, iyadoo aaysan caddeyn shaqaalaha jooga iyo kuwa maqan.