Ra’iisul Wasaaraha csuub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulankiisii ugu horeeyay xafiiskiisa ku qaabilay qaar kamid ah Safiirrada dalalka caalamka u fadhiya Soomaaliya iyo wakiillada Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika.
Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda dalka iyo howlaha horyaalla Xukuumadda cusub, isla markaana hore loogu sii wada ambaqaadi lahaa horumarrada ay dowladdu gaartay xukuumadii hore.
Safiirrada ayaa muujiyay taageeradooda Ra’iisul Wasaaraha cusub una rajeeyay in uu ku guuleysto howlaha muhiimka ah ee horyaalla Xukuumadda cusub sida Amniga, Doorashooyinka & Dib-u-habeynta hannaanka maaliyadda ee xukuumadii hore ay waday.


