Friday, June 27, 2025

Ra’iisal wasaare Rooble oo safarkiisii ugu horeeyay dalka uga baxay, isagoon magacaabin Golihii Wasiirada

Ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa dalka ka dhoofay goor dhoweyd isagoo safarkiisii ugu horeeyay dalka uga baxay intii uu kalsoonida ka helay Baarlamaanka 23-klii Septembar 2020.

Socdaalka Ra’iisal wasaare Roble ayaa ku wajahan dalka Kuwait, waxaana la sheegay inuu ku sabasan yahay ka qeyb galka tacsida amiirkii geeriyooday ee dalkaasi Sheekh Sabaax Jaabir Al-axmed Asabaax. Safarka Rooble oo wadooyinka Muqdisho loo xiray ayaa kusoo beegmay iyado uu dlka ka maqan yahay Madaxweyne Farmaajo.

Ra’iisal wasaaraha ayaan weli magacaabin Golihiisa wasiirada, waxaana la sugayey inuu ku dhawaaqo Gole wasiiro, kadibna uu codka kalsoonida uga raadiyo qorshihiisa Golaha Shacabka, taasoo aan weli dhicin.

Xilliga uu heysto Ra’iisal wasaaraha cusub ahaa ah muddo 3 bilood ah oo dalku doorasho gelayo, waxaana nuxur la’aan sii noqoneysa xukuumaddii lag sugayey inuu soo dhiso oo kusoo beegantay ololaha Doorashada 2020/2021.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON