Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilka si rasmi ah ugala wareegay Ra’iisal wasaare ku xigeenkii uu madaxweyne Farmaajo u magacabay inuu xilka si hayo Mahdi Maxamed Guuleed.
Xaflad ka dhacday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiye kuxigeenka koowaad Golaha Shacabka C/weli Ibrahim Muudeey, Wasiirada xilka sii haya iyo Mas’uuliyiin lagu casuumay kale ayuu Mahdi Guuleed xilkii uu labada bilood ku-simenimada u hayey ku wareejiyay Ra’iisul Wasaare cusub.
Dokumentiyada lagu wareejiyey Ra’iisal wasaare Rooble waxaa ka mida Guddiyadii iyo heshiisyadii ay sid degdega ah u boobsiiyeen Golihii Wasiirada ee xilka sii hayey iyo magacaabid kala duwan.
Lama oga sida uu Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ka yeeli doono howlihii ay fulisay xukuumadii xil gaarsiinta oo sharci darro lagu tilmaamay, waxayna madaxtooyadu diiday dalab ka yimid Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre oo doonayey inuu isagu xilka wareejiyo.




