Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ku sii jeeda dalka Belgium.
Socdaalka Ra’iisal wasaare Kheyre ee dalka Bellgium-ka oo ay ku wehlinayaan xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada ayaa ku saabsan qabgalka shirka caalamiga ah ee arrimaha Soomaaliya oo ka dhacay magaalada Brusels.
Shirkan oo daba jooga shirkii London 2017 ayaa ujeedkiisu yahay Diyaargarowga qorshaha kala guurka ee Ciidamada Dowladda Soomaaliya amniga dalka kala wareegayaan kuwa AMISOM, waxaana laba shir hordhac ah ay ka dhaceen magaalada Muqdisho.
Qorshaha Amniga dalka iyo taageeridda ciidamada dowladda Soomaaliya si ay awood ug yeeshaan inay waajibaadka kala wareegaan ciidamada AMISOM ayaan la isku afgaran iyadoo dalalka ciidamada ka joogaan Soomaaliya iyo dalalka deeqda bixiya ay isku maandhaafsan yihiin waqtiga AMISOM laga saarayo Soomaaliya.