Sunday, June 22, 2025

Ra’iisal Wasaare Xamsa oo socdaalkii labaad 2 Bil ah ku tegay Beledweyne iyo ujeedkiisa

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta lagu soo dhoweeyay magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Ra’iisal wasaaraha oo ka yimid Degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne kusoo dhoweeyay Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, wasiiro, madaxda maamulka Hirshabeelle iyo saraakiisha ciidamada.

Waa markii labaad muddo laba bilood gudahood ah ee Ra’iisal wasaare Xamsa uu tago magaalada Beledweyne oo xudun u ah dagaalka lagula jiro Alshabaab, isagoo sheegay in ujeedada socdaalkiisu tahay xoojinta dagaalka Alshabaab iyo sidii loo dardar gelin lahaa.

Ad

Waxaa magaalada Beledweyne soo dhoweynta Ra’iisal wasaaraha u tegay Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Gaashaandhigga, Haweenka, Xildhibaanno iyo masuuliyiin kale oo Muqdisho ka tegay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON