Ra’iisal wasaaraha magacaaban ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kulan la yeeshay safiirka UK u fadhiya Soomaaliya Mr. David Concar.
Kulanka oo lagu sheegay inuu ahaa isbarasho iyo wadashaqeynta labada dal ayaa dhacay iyadoo aan ra’iisal wasaaraha magacaaban aanu wax kalsooni ah ka helin Baarlamaanka, taasoo sharci darro noqoneysa.
Safiirka Midowga Boqortooyada (UK) oo laf ahaantiisa muddo bil ka badan shaqeynayay isagoo aan waraaqihiisa aqoonsiga laga guddoomin ayaa u ballan qaadey ra’iisal wasaaha inuu si la shaqeyn doono.
Warka ayaa sheegaya inay ka wadahadleen shirka arrimaha Soomaaliya 2017 ee London ka dhici doona oo sidoo kale uu hore ugala hadlay safiirku Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa inuu fadhi yeesho toddobaadka soo socda iyadoo madaxweyne Farmaajo uu horgeyn doono Ra’iisal wasaaraha cusub Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Goobjooge.com