Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Kenya Raila Odinga ayaa si weyn loogu canbaareeyay war laga soo xigtay
oo ku saabsan inuu qabo in la aqoonsado maamulka Somaliland ee goonida isu taagay.
Khudbad uu ka jeediyay xarunta Mac-hadka Chatam House ee magaalada London ayuu Raila Odinga oo hadda hogaaminaya xisbiga mucaaradka Kenya wuxuu sheegay inuusan waxba ka qabin oo isagu shaqsiyan taageerayo aqooonsi caalami ah oo la siiyo Somaliland.
.@RailaOdinga states his personal support for the recognition of #Somaliland's independence #CHAfrica
— Chatham House Africa (@AfricaProg) July 29, 2016
Arrintan ayaa si weyn loogu qaadaa-dhigay baraha bulshada ee Soomaalidu ku kala war qaadato, waxaana cambaareysay safaaradda Somaliya ee magaalada Nairobi oo barteeda Twiterka ku tilmaantay haddalada kasoo yeeray Raila Odinga inay yihiin kuwo mas’uuliyad darro ah.
Irresponsible & damaging STATEMENT! Unity, sovereignty & territorial integrity of #Somalia is inviolable @MofaSomalia @AMB_A_Mohammed
— Somali Embassy Kenya (@SomaliEmbKenya) July 30, 2016
Safaaradda Soomaaliya ee Kenya waxay sheegtay in warka ka soo yeeray Odinga uu yahay mid dhaawac keenaya oo ka yimid mas’uul hore oo dowladda Kenya ka mida, waxayna inay muqadas tahay midnimada xuduudeed iyo qaranimada Soomaaliyeed.
@AfricaProg @RailaOdinga It is odd how you advocate for Pan-Africanism on one hand and support secessionist on the other.#Somalia
— Harbi Ali Kullane (@Xarbi) July 30, 2016
Soomaali isugu jirta shacab iyo mas’uuliyiin ayaa si carro leh ugu jawaabay Raila Odinga, waxayna ku ceebeeyeen odayga Afrikaanka inuu Afrikaanimo u ololeynayo isla markaana dalalka Afrika kala qeybinaya taasoo aan is qabaneynin.
Goojooge.com