Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax ayaa ku geeriyooday dalka Turkiga oo muddooyinkii danbe uu ku xanuunsanayey, sida uu xaqiijiyey safiirka Soomaaliya ee Turkiga.
Allaha u naxariistee Marxuum Xasan Abshir ayaa ahaa siyaasi caan ka ah Soomaaliya, wuxuuna soo noqday Duqa Muqdisho xilligii dowladdii Kacaanka, wuxuu kadib noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Puntland, waxaana markii danbe uu Soomaaliya ka noqday Ra’iisal Wasaare.
Muddooyinkii danbe wuxuu ahaa xildhibaan ka tirsan Baarlamaankii hore Federaalka, xilkaas oo markii uu xanuunsaday iska casilay, loona magacaabay wiil uu dhalay.

Waxaa dalka Turkiga loo geeyay xaalad caafimaad, iyadoo xillayadii danbe uu ku xanuunsanaa dalkaasi, iyadoo maant oo Axad ah 12-ka July 2020 ku geeriyooday dalka Turkiga.