Waxaa maanta magaalada Jigjiga ee Is-maamulka Soomalaida Itoobiya ku geeriyooday Prof. Cali Khaliif Galayr oo hore u soo noqday Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya.
Geerida Cali Khaliif ayaa waxa xaqiijiyey mas’uulyiinta maamulka Soomaalida Itoobiya, isagoo la sheega inuu arrimo u gaara u joogay magaalada Jigjiga. Wwasiir ku xigeenka madaxtooyada Dowlad Deegaanka Soomaalida Cumar Faaruuq Warfaa ayaa xaqiijiyey Geerida, wuxuuna ku xanuunsaday halkaasi labadii maalmood ee la soo dhaafay.
Wuxuu Cali Khaliif xilka Ra’iisul wasaaraha dawladda Soomaaliya qabtay sanadkii 2000 dowladii KMG ah ee lagu soo dhigay Carte-Jabuuti, kadibna wuxuu soo noqday Hoggaamiyaha Khaatumo State ee gobalada Sool, Sanaag iyo Cayn.
Marxuum Galaydh ayaa kamid ahaa aqoonyahanada Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan, wuxuuna ku dhashay Laascaanood qiyaastii 1941-dii, isagoo ku geeriyooday isagoo 78 sano jir ah.
