Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta safarkiisii ugu horreeyay uga dhoofay magaalada Muqdisho, kadib markii uu xilka banneeyay 25 July 2020.
Ra’iisal wasare Kheyre oo hada ah musharax u taagan xilka madaxweynaha Doorashada 2020/2021 ayaa u dhoofay dalka Jabuuti oo la sheegay inuu kulamo kla yeelan doono madax kala duwan.
Xasan Cali Kheyre ayaa bilaabaya safarro uu ku tegayo dalalka Bariga Afrika oo qeyb ka ah ololihiisa doorashada iyo taageeada uu raadinayo, kadib markii lasoo saaray jadwalka Doorashada dalka.
Dalalka uu tegi doono ayaa waxaa ka mida Jabuuti, Itoobiya, Uganda, Kenya iyo Rwanda, waxaana laga yaabaa inuu usii gudbo qaar ka mida alalka Yurub.
