Wednesday, June 25, 2025

Ra’iisal Wasare Kheyre oo lacag ku bixiyey dhismaha Garoonkii 3-aad ee K/cagta [150-kun Doolar oo lagu wareejiyey…]

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre  ayaa garoonkii saddexaad ee K/cagta ah ku bixiyey lacag dib loo dhisayo, kadib markii uu socdaal ku tegay magaalada Baydhaba.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ku wareejiyey lacag dhan 150-kun oo Dollar, taasoo lagu dhisayo Garoonka kubadda Cagta Dr. Ayuub ee Magaalada Baydhabo, isagoo ka dalbaday maamulka Koonfur Galbeed dardargalinta dhismaha Garoonka Magaalada Baydhabo ee kubadda Cagta.

Xasan Cali Kheyre ayaa hore lacago ka badan 200-kun Doolar ku wareejiyey Guddiyada dhisaya Garoomada magaalada Gaalkacyo labadeeda qeyb ku kala yaalla oo kala ah Garoonka Cawaale ee Waqooyiga Gaalkacyo iyo Garoonka C/llaahi Ciise ee Koonfurta Gaalkacyo markii uu halkaasi booqday.

Garoonka Dr. Ayuub ee magaalada Baydhaba ayaa noqonaya kii saddexaad ee Ra’iisal wasaaraha uu lacag toos ah ku bixiyo si dib loogu dhiso, waxayan dad badan isweydiinayaan sababta keentay inuu Ra’iisal wasaaraha lacago badan ku bixiyo garoomo ciyaareed iyadoo aysan degaanadaasi ka jirin adeegyada asaasiga ah sida waxbarashada iyo caafimaadka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON