Tuesday, June 24, 2025

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo 317,000 oo Doolar u saxiixay Dib dhiska Buundada Bardhere & xidhibaano u mahad celiyay

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa maanta saxiixay lacag gaareysa 317,000 oo doollar oo dib loogu dhisayo buundada degmada Baardheere ee gobalka Gedo.

War kasoo baxay xafiiska Xasan Cali Khayre ayaa lagu sheegay in arrintan looga jawaabay cabasho ka timid bulshda Baardheere oo dhibaata badan ku qabay burburka Buundada, iyadoo aan la sheegin halka ay lacagtan ka timid iyo inay ka mid tahay miisaaniyadda dowladda, waxaana hore uu Ra’iisal wasaaraha si shaqsi ah u bixiyey lacago lagu dhisayo garoomada ciyaaraha magaalooyin kala duwan.

Qaar kamid ah xildhibaannada labada aqal ee kasoo jeeda Gobolka Gedo ayaa tegay xafiiska Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, iyadoo uga mahad celliyay lacagta uu u saxiixay dib u dhiska Buundada Baardheere, waxana ku bogaadiyeen kaalinta uu qaatay.

Warbaahinta xafiiska Ra’iisal wasaaraha iyo tan dowladda federaalka ayaa warka u dhigtay in Ra’iisal wasaare Kheyre uu bixiyey lacagta dib loogu dhisay Buundada Baardheere, iyadoo aan xusin halka lacagtaasi ka timid iyo inay ahayd mid uu shaqsi ahaan u bixiyey.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON