Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in caawa rasaas culus laga maqlay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.
Rasaastan ayaa ka dhaceysay jihada Garoonka Adan Cadde ee magaalada Muqdisho iyadoo daqiiqo socotay daryankeeda, taasoo khalkhal gelisay dadka ku dhow Garoonka.
Markii danbe ayaa la ogaaday in ciidamada gaarka u tababarran ay dab rid ka sameynayeen xeebta Muqdisho, iyagoo xarun ku leh Garoonka Muqdisho dhinaca xeebta.
Ciidamada Gaashaan ee loo yaqaan Alpha Group ayaa ah ciidamo xoog u tababarran oo Mareykanku maamulo, waxayna xarumahoodu ka baxsan yihiin kuwa dowladda.
Dab-ridka magaalada dhexdeeda ay ka sameynayaan ciidamada ayaa ah arrin ku cusub dadka magaalada Muqdisho.
Goobjooge