Muran iyo Gacan ka hadal ayaa xarunta Golaha Wakiilada Maamulka Somaliland ku yeesheen magaalada Hargeysa.
Qaar ka mida Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland ayaa isku fara saaray muran ka dhashay Doorashadii Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ee Baashe Maxamed Faarax, iyadoo Xildhibaan C/raxmaan Tanyale oo kula tartamay uu inuu isagu yahay Guddoomiyaha Saxda ah ee Golaha Wakiilada.
Xafiiska Guddoomiyaha cusub ayaa la sheegay inay arrintan ka dhacday, waxaana gacanta loola tegay Guddoomiyaha Cusub Baashe Maxamed Faarax iyo xubno kale.
Ciidamada Booliska Somaliland ayaa gudaha u galay Xarunta Golaha kadib markii xabbad laga dhex riday. Ciidamada amaanka ayaa xabsiga dhigay xildhibaan Saleebaan Koore, markii dagaal gacan ka hadal ahi dhexmaray guddoomiye Baashe Maxamed Faarax.
Qaar ka mida wakiilada ayaa la xiray, waxaana goobta la wareegay Booliska, iyadoo xiisad xoog leh ay ka dhex jirto golaha wakiilada.