Monday, June 23, 2025

Rasaas ka dhacday Xarunta TV-ga Universal ee Muqdisho [Iska hor-imaad dhex maray ilaalada Tv-ga ..]

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in is rasaaseyn dhex martay ciidamo ilaalo u ah TV-ga Universal ee magaalada Muqdisho iyo ciidamo ka tirsan qeybta canshuuraha Booliska ee G/Banaadir.

Wararka ayaa sheegay in ciidamo Boolis ah oo gaaraya ilaa 10 askari oo watay gaari ay tageen xarunta TV-ga Universal oo ku dhow Madaxtooyada, halkaasoo uu muran dhex maray ilaalada TV-ga, taasoo keentay, in ilaaladii TV-ga iyo ciidamada ay isku dhex rasaaseeyaan xarunta.

Ciidamada Madaxtooyda ayaa xaaladda soo farageliyay markii ay rasaastu socotay muddo 10 daqiiqo ku dhow, waxaana halkaasi laga kaxeeyay ciidamadii Booliska, iyadoo xaaladii la qaboojiyey, waxaase hawada ka baxay Telefishanka Universal.

Ad

Lama soo werin qasaare ka dhashay iska hor imaadkan oo ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo Muqdisho ka dhaca, waxaana ciidamada Booliska ay doonayeen agaasimaha TV-ga oo dhowr jeer ay halkaasi ka raadiyeen, laakiin ay markii danbe ku lug yeesheen iska hor imaad.

Qaar ka mida shaqaalaha TV-ga Universal ayaa ku doodaya in ciidamada Booliska ee canshuuraha ay weerar ku soo qaadeen xarunta TV-ga, iyadoo aanu weli wax war ah kasoo bixin hay’adaha Amniga.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON