Tuesday, June 24, 2025

Rasaas xoog leh iyo Qaraxyo waaweyn oo xalay laga maqlay Boosaaso

Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga maamulka Puntland ayaa sheegaya in xalay magaaladaasi ay hareeyeen hub waaweyn oo laga maqlay iyo rasaas kala duwan oo ka dhaceysay qeybo ka mida magaalada.

Dadweynaha magaaladaasi ayaa mar qura maqlay deryanka hubka waaweyn oo ay fahmi waayeen, waxaana la joojiyay howlihii ganacsiga iyo inta badan dhaqdhaqaaqii magaalada, waxaana markii dambe la sheegay inuu ahaa hub la tijaabinayay.

Dadweynaha magaalada ayaa ka hadlay inay argagax weyn ka qaadeen hubka waaweyn iyo qaraxyada ay sameeyeen oo magaalada hareeyay iyadoo aan lagu wargelin, waxayna maamulka Puntland ugu baaqeen inaan magaalooyinka dhexdooda lagu ridin hubka.

Puntland oo heegan ku jirta kadib weeraradii Alshabaab ku qaadeen degaano ka tirsan maamulkaasi ayaa Itoobiya ka codsatay taageero hub iyo saanad.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON