Haweeneyda asalkeeda kasoo jeeda Falastiin ee ka mida Koongareeska Mareykanka Rashida Tlaib ayaa ku gacan seyray ogolaasho dal ku gal ah oo ay siisay dowladda Israel, si ay u booqato qoyskeeda oo ay ka mid tahay ayeeyadeed oo 85 sano jir ah, kuna nool Daanta Galbeed ee Israa’iil heysato.
Wasaaradda arrimaha gudaha Israel, ayaa sheegtay inay Rashida Tlaib oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka ay u ogolaatay inay booqato qoyskeeda degan Daanta Galbeed, kadib markii Go’aankan kale oo ka soo baxay Ra’iisul wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu uu ku sheegay inuusan ogolaan doonin in Rashida iyo Ilhaan Cumar oo ka tirasan Aqalka Wakiilada ay halkaas ku tagaan booqasho ay qorsheysteen.
Codsi ay Isrel u dirtay Rashida Tlaib oo ku saabsanaa inay booqato qoyskeeda sababo bani’aadanimo dartood ay dowladda Israel ogolaatay iyadoo lagu xiray shuruudo fara badan oo ay ugu waaweyn yihiin inaysan ka hadli karin arrimaha Israa’iil iyo arrimo siyaasadeed oo ka baxsan booqashada qoyskeeda.
Daqiiqado kadib markii Wasaaradda Arrimaha Gudaha Israel ay sheegtay inay ogolaatay booqashada Rashida ee Daanta Galbeed ay soo saartay qoraal ay ku shaacisay inay joojisay socdaalkaasi, iyadoo aan u dulqaadan karin xayiraadda la saarayo in dhammaan xuquuqdeedii asaasiga ahayd aan loo ogolaan.
Ilhaan Cumar oo iyadua aay Israel u diiday inay booqato dhulka Falastiin iyo magaalada Qudus ayaa taageertay go’aanka ay qaadatay Rashida Tlaib, waxayna sheegtay in ujeedka socdaalkooda Israel uu ahaa inay ogaadaan xaqiiqada dhulka Falastiin ee ay Israel heysato iyo xaaladda xuquuqda aadanaha dadka Falastiin.
Arintan ayaa si weyn u qabsatay warbaahinta Mareykanka iyo Israa’iil, waxaana qeyb ka ahaa madaxweynaha Mareykanka oo Israa’iil ku booriyey inaysan ogolaan booqashada labadan haween ee ka mida Koongareeska., isagoo ku eedeeyay inay neceb yihiin Yuhuudda.